U bood dhigaalka

Murashax Odowaa Iyo Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Kawada Hadlay Doorashada Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Kulan balaaran ayaa goordhow waxaa uu Villa Somaaliya ku dhexmaray ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo murashaxa madaxtinimada Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa.

Xildhibaan Odowaa oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka ayaa Kheyre iyo xukuumaddiisa ka dalbaday in Galmudug ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana aan dadka deegaanka la duudsiin xuquuqdooda ah iney doortaan qofka ay rabaan.

Mudane Cabdiraxmaan Odowaa waxaa uu ka digay in faragelin lagu sameeyo hannaanka doorashada Galmudug, lana garba duubo rabitaanka shacabka, laguna qasbso dad kor looga keenay.

Dhankiisa ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa balanqaaday hufnaanta doorashada Galmudug iyo in dowladda ku ekaandoonto korjoogteyn, isla markaana reer Galmudug leeyihiin cidda ay dooranayaan.

Kulan oo yimid maalin kadib markii Odowaa uu ku dhawaaqay murashaxnimadiisa ayaa ku dhamaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo sidii Galmudug u yeelan laheyd nidaam dowli ah oo wax ka qabto baahida dadka dowlad goboleedkaas.

Image may contain: 9 people, people smiling, people standing

Goobjoog News