U bood dhigaalka

Murashaxii La Saadaalinayey Ee Lafta Gareen Oo Ku Guuleystay Madaxtinnimada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay in Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen uu u guuleystay madaxtinnimada koonfur galbeed .

Tartanka oo ku soo gabagaboobey wareegga koobaan waxaa loo kala helay : Cabdacasiis Xasan Maxamed Lafata gareen.( 101) Ibraahim Macalin Nuur.(6 ) Aadan Maxamed Nuur Saransoor.(  22 ) Xuseen Xusmaan Xuseen.(  3 ) Am Sayid Axmed Shekh Daahir ( 4  ) halka 13 ay halowday.

Tartanka waxaa laga reebay Mukhtaar Roobow, isaga oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.

Goobjoog News