U bood dhigaalka

Murashaxiin Diidanayd Doorashadii Galmudug Oo Soo Dhoweysay MD Qoorqoor

Sheeko:Dalka

Murashaxiinta kala ah Cabdulaahi Faarax Weheliye iyo Kamaal Guutaale oo qoraalo soo saaray ayaa waxa ay si isku mid ah u soo dhoweeyeen madaxweyne Axmed Qoorqoor oo 2-dii bishan ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Murashaxiintan oo horay u qaadacay doorashada Galmudug ayaa hadda waxa ay sheegeen in ay tanaasuleen islamarkaana ay soo dhoweynayaan madaxweynaha cusub ee maamulkaasi loo doortay.

Kamaal Guutaale oo qoraal soo saaray ayaa yiri “Aniga oo hoosta ka xarriiqaya ineysan marnaba Dowladda Federaalka ah wax tanaasul ah ka sameyn qodob walba oo la isku qabtay mudadii Galmudug la dhisayay ayaan haddana sidii caadada noo aheyd waxaan rabaa halkaan inaan ka caddeeyo inaan ku dul shaqeeyo natiijadii shalay ka soo baxday Dhusamareb, una tanaasulo danta guud ee reer Galmudug”

Dhinaca kale Kamaal ayaa soo dhoweyn u muujiyay madaxwene Axmed Qoorqoor ayaa yiri sida tan “Waxaan halkaan ka soo dhaweynayaa Madaxweyne Ahmed Abdi Kaariye ilaahayna oga baryayaa inuu ku asturo xilka muhiimka ah ee reer Galmudug uu u qaaday, waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka badalo hab-dhaqankii Dowladii uu wasiirka u ahaa, u howl galo sidii la isugu keeni lahaa garabyada maanta ku hartamaya Galmudug, uu dhaqan ka dhigto tanaasul iyo dad isku wad si loo gaaro Galmudug mideysan, loo dhan yahay oo isku Dan ah”

Dhanka kale murashax Cabdulaahi faarax Weheliye oo isaguna horay u qaadacay doorashada Galmudug ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku cadeeyay in uu soo dhoweynayo natiijadii ka soo baxday doorashadii 2-dii bishan lagu doortay Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor.

Xildhibaan Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa yiri “Hadaba anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah”

Xildhibaanka ayaa sidoo kale madaxda cusub ee Galmudug ugu baaqay in ay isku keenaan dhamaan saamileyda siyaasadeed si loo xaliyo tabashooyinka jira.

“Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa madaxda la doortay iyagoo kaashanaya DFS, Saamileyda Siyaasada iyo Bulshada reer Galmudugba iney isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba gaar ahaan ASWJ iyo Madaxweyne Xaaf si loo gaaro xal waara Galmudugna looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka” ayuu hadalkiisa raaciyay cabdulaahi Faarax Weheliye.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa wali wajahaya culeyso siyaasadeed oo uga imaanaya ururka Ahlu sunna iyo madaxweyne Xaaf, lamana oga tallaabada xigta oo uu qaadi karo Axmed Qoorqoor.

Goobjoog News