U bood dhigaalka

Murashaxiinta Aqalka Sare Ee Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka Oo Lagu Xulay Hab Beeleed

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, waxaa uu maanta iska dhex saaray 12 murashax, kuwaas oo 5 ka mid ah ka mid noqon doonaan guddiga baarlamaanka 10aad ee dib u eegista dastuurka.

Murashaxiinta waxaa lagu soo xulay qaabka 4.5-ka, kadib markii ay Xildhibaannada aqalka sare diideen soo jeedinta guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi oo ahaa in golaha uu xusho 5 xubin oo Soomaalinnimo iyo aqoon ka dhex muuqato, oo aan la fiirin qabiil.

Akhriso, Magacyada Murashaxiinta:

  1. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar-Qoon-jeex
  2. Mustaf Maxamed qodax
  3. Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid
  4. Maxamed Axmed Mashruuc
  5. Iftin Xasan Iman(Baasto)
  6. Deeqo Xasan Xuseen
  7. Axmed Macalin Cumar
  8. Xuseen Sheekh Maxamud
  9. Cabdikarim Maxamed Xasan
  10. Saciido Xasan Cusmaan
  11. Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle
  12. Maxamed Cusmaan Faarax

Goobjoog News