Murashaxiinta Aqalka Sare Ee Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka Oo Lagu Xulay Hab Beeleed
Sheeko:Baarlamaanka
Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya, waxaa uu maanta iska dhex saaray 12 murashax, kuwaas oo 5 ka mid ah ka mid noqon doonaan guddiga baarlamaanka 10aad ee dib u eegista dastuurka.
Murashaxiinta waxaa lagu soo xulay qaabka 4.5-ka, kadib markii ay Xildhibaannada aqalka sare diideen soo jeedinta guddoomiyaha golaha Cabdi Xaashi oo ahaa in golaha uu xusho 5 xubin oo Soomaalinnimo iyo aqoon ka dhex muuqato, oo aan la fiirin qabiil.
Akhriso, Magacyada Murashaxiinta:
- Cabdiwaaxid Cilmi Cumar-Qoon-jeex
- Mustaf Maxamed qodax
- Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid
- Maxamed Axmed Mashruuc
- Iftin Xasan Iman(Baasto)
- Deeqo Xasan Xuseen
- Axmed Macalin Cumar
- Xuseen Sheekh Maxamud
- Cabdikarim Maxamed Xasan
- Saciido Xasan Cusmaan
- Cabdiraxmaan Maxamed Faroolle
- Maxamed Cusmaan Faarax
Goobjoog News