U bood dhigaalka

Murashaxiinta Galmudug Oo Ku Baaqay In 2 Todobaad Dib Loo Dhigo Doorashada

Sheeko:Dalka

Murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ee aan weli isdiiwaangalin sida Cabdiraxmaan Odowaa, Kamaal Guutaale, Cabdi Dheere iyo Cabdullahi Faarax Weheliye ayaa soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulkasi.

Murashaxiintan, ayaa dalbaday ugu horeyn in muddo laba todobaada la hakiyo howlaha doorashada ee ka kala socda Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo, maadama bey yiraahdeen aan loo dhameyn.

Sidoo kale, murashaxiintan, ayaa sheegay in loo baahanyahay gogol ay isugu imaanayaan saamileyda siyaasadeed ee Galmudug, kaas oo lagu xalinayo dhamaan tabashooyinka jira, si gaara khilaafka Ahlu sunna iyo dowladda Federaalka.

Ugu dambeyn waxa ay dalbadeen in la dhageysto baaqyada ka imaanaya beesha caalamka ee ku aadan in aan la dhisin Galmudug aan loo dhameyn.

Halkaan ka akhriso warmurtiyeedka

 

Goobjoog News