U bood dhigaalka

Murashaxiinta Gudddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Maanta is Diiwaangalinaya

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa magaalada Beydhabo ee maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya maanta ka soconaya is diiwaangalinta musharixiinta guddoonka baarlamaanka maamulkaasi oo dhowaan loo soo xulay xildhibaano cusub.

Shalay guddiga doorashada goddoonka baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa soo saaray jadwalka murashxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenka ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, waxaana wali jirin murrashax wali si rasmi ah isugu soo sharaxay xilkaasi.

Maalinta berito ah waxaa ku eg is diiwaangalinta murashaxiinta guddoonka baarlamaanka Koonfur galbeed, waxaana 1-da April la filayaa in ay dhacdo doorashada guddonka baarlamaanka maamulkaasi.

Guux siyaasadeed ayaa laga dareemaya magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay xilli laga dhursugayo cidda ku soo baxaysa guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur galbeed, waxaana xildhibaanada cusub ee maamulkaasi ku jira wasiiro ka tirsan maamulka madaxweyne Laftagareen oo ka fekaraya in ay xilalkaasi iska casilaan.

Goobjoog News