U bood dhigaalka

Murashaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Maanta Khudbadahooda Jeedinaya

Sheeko:Baarlamaanka

Iyadoo shalay la diiwaan galiyay murashaxiinta u taagan qabashada xilka guddoonka baarlamaanka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa haddana waxaa la filayaa in murashaxiintaas ay kudbadahooda maanta ka jeediyaan magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Xildhibaan Maxamed Cabdinuur iyo xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi ayaa ku loolamaya booska guddoomiyaha guddoonka baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed, halka xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed iyo xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed ay u tartamayaan xilka guddoomiye ku xigeenka 1-aad, waxaana kaliya guddoomiye ku xigeenka 2-aad u tartamaysa Xildhibaan Shamso Maxamed Yarow.

Guddiga doorashada guddoonka baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa waxa ay horey u shaaciyen in in 1-da April oo berry ku began in la qaban doono doorashada guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaana laga dhursugayaa cidda ku soo bixi donta xilka guddoomiya iyo labadiisa ku xigeen, maadaama madaxweyne Laftagareen uu doonayo shaqsiga noqonaya gudoomiyaha in uu noqdo mid siyaasad ahaan ay is fahami karaan.

Goobjoog News