U bood dhigaalka

Murashaxiinta Madaxweynaha Oo Ku Baaqey In Laaluush-ka Lala Dagaalo, Telefishinnadana U Sinnaadaan Tabinta Doodda

Sheeko:Dalka

Murashaxiinta Madaxweynimada Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa ku baaqey in Doodda dhaceysa 31-ka bishan ay noqoto mid dhexdhexaad ah, in dhamaan murashaxiinta waqtiga, tirada dadka taageerayaasha ah ee hoolka jooga iyo wax walbo ay u sinnaadaan.

Murahaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale soo jeediyay in doodda ay soo daayaan dhammaan Telefishinnada dalka ka jira oo aan lagu kooban hal Telefishin.

Dhinaca kale, Murashaxiinta waxaa ay ka hadleen in ammaanka doorashada la adkeeyo, isla markaana go’aan adag laga qaato musuqa iyo laaluushka lagu yaqaano doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa ay dalbadeen in murashaxiinta loo ogolaado tiro isku mid ah iney ku lahaadaan hoolka doorashada si xuquuqda loogu simmo dhamaan murashaxiinta madaxweynimada Soomaaliya.

Goobjoog News