U bood dhigaalka

Murashaxiinta Madaxweynnimada Oo Jawaari Iyo Beesha Caalamka Kala Hadley Hufnaanta Doorashada Madaxweynimada.

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiinta u taagan qabashada xilka madaxweynennimada Soomaaliya ayaa sabtidii waxaa ay la kulmeen guddoomiyaha Golaha shacabka Sooomaaliyeed  iyo qaar ka tirsan wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Xubnaha ka socday Golaha mushataxiinta u tartamaysa xilka Madaxweynaha dalka ayaa  guddoomiyaha golaha shacabka u soo gudbiyey  in doorashadda  Madaxweynaha loo sameeyo  habraac  daahfuran  si looga bad-baado  mushsuq maasuq iyo wax si dabo marin,  in musharaxiintu u sinadaan adeegsiga Warbaahinta Qaranka  iyo in doorashadda lagu qabto meel amnigeedu sugan yahay.

Murashax Cali Americo oo xalay marti u ahaa Goobjoog TV ayaa waxaa uu sheegey in sidaa ay u sameeyeen sidii doorasho hufan uga dhici laheyd Soomaaliya.

Amerika waxaa uu intaa raaciyay in ay guddoomiyaha baarlamaanka la qaateen kulan gaar ah oo aaney ku jirin beesha caalamka, iyagoo sida uu sheegey kala hadley walaaca ay ka qabaan doorashada madaxtinimada.

Goobjoog News