U bood dhigaalka

Murashaxiinta Xildhibaanimo ee Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Somaliland oo Si Adag Uga Hadlay Go’aankii Lagu Laalay Doorashada Wakiilada

Sheeko:Baarlamaanka

Qaar ka mid ah murashixiinta u taagan qabashada xilka xildhibaanimo ee baarlamaanka Somaliland oo ay weheliyaan qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah ayaa waxay ka horyimaadeen go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku laalay doorashooyinkii golaha wakiilada ee maamulka.

Musharixiintan oo maalinimadii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku laalay doorashadii golaha wakiilada dibna ugu dhigay wakhti aan la cayimin.

Qaar ka mid ah murashixiinta ayaa saxaafadda u sheegay iney Cambaareynayaan go’aankii madaxweynahu ku laalay doorashada baarlamaanka Somaaliland oo qorsheysnaa in si wada jir ah loo qabto iyada iyo tan madaxtooyada oo isasaaran. Laakiin hadda ay u muuqato in la kala qaaday oo la geli doono tan madaxtooyada oo kaliya.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay sida ay dhankooda diyaarka ugu yihiin doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, waxayna  cod dheer ku muujiyeen in ay si adag uga soo horjeedaan isla markaana u cambaareynayaan go’aankii uu Madaxweynahu ku laalay doorashada Baarlamaanka Somaliland.

Murashaxiintan, ayaa ka kala tartami doona saddexda Xisbi siyaasadeed ee Somaliland, Kulmiye, Waddani iyo Ucid oo aan u kala harin kulankan si wadajir ahna u soo abaabulay.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaayo ayaa digreeto uu soo saaray bilowgii bishan ku shaaciyay in labada doorasho ee madaxweynaha iyo tan baarlamaanka aysan mar wada dhici doonin iyada oo muddo aan cayimin dib loo dhigayo doorashada baarlamaanka oo markii hore qorsheysneyd in la qabto 17 March 2017.

Goobjoog News