U bood dhigaalka

Mursal: Kalfadhigan Waxaa La Qabtay Shaqo Ka Badan 3-dii Kalfadhi Ee Ka Horeysay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlay aqalka ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar, oo looga nabad-geli-doono inta ka dhiman xil heyntooda.

Mursal waxaa uu sheegay in sharci badan ay qabyo yihiin“Waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nnimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hey’adihii dastuurka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn, go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah inaysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed, mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo, oo la qanciyo aragtiga kala duwan”.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xalka khilaafka“Xildhibaannadii tanaasulay iyo kuwii iskood isku xilqaamay ee lagu hurdada beelay, waxaan leenahay dadaalkiina waan idiinka mahadcelineynaa, mas’uuliyad idiin saaran ayey aheyd in umadda Soomaaliyeed wixii la idiin soo doortay u qabataan, sidaasi oo kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo culimaa’udiin xikmad nala garab joogay”.

Maxamed Mursal waxaa uu qirtay in shaqo badan hakad u gashay muranka “Kalfadhigan aad ee golaha shacabka, waxaa uu ahaa mid la eegayo ismariwaaga na dhex-galay hakad-geliyay habsami u socodka howlihii baarlamaanka”.

Dhinaca kale, guddoomiye Mursal waxaa uu ku dooday in kalfadhigan ay qabteen shaqo ka badan 3dii kalfadhi ee ka horeysay “ Kalfadhiga waxaa uu ahaa mid ka soo wax saar badan marka la isugu geeyo 3dii kalfadhi ee ka horeysay, 3dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci, kalfadhigan waxaa la ansixiyey 4 sharci oo kala ah: Dhismaha hey’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka”

Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiye Mursal sheegay in 7 sharci oo kale ay mareen akhriska heerarkii kala duwan, isaga oo intaasi raaciyey in guul-darro ahaan laheyd in 31-ka bishan la gaaro iyada oo golaha xiran yahay, lana xalin khilaafka guddiga maaliyadda.

Goobjoog News