U bood dhigaalka

Mursal Oo Ku Baaqay In Doorashada Koonfur Galbeed Dib Loo Dhigo, Lana Soo Daayo Mukhtaar Roobow

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta shir jaraa’id ka qabtay shaqaaqada ka socota arrimaha doorashada koonfur galbeed ayaa ugu horeyn u tacsiyeeyey dadkii Baydhabo ku dhintay, isaga oo intaas raaciyey in Mukhtaar Roobow uu yahay muwaadin xaq u leh tartanka doorashada.

Guddoomiye Mursal waxaa uu sheegay in dastuurka uu qaba in muwaadin kasta xaq u leeyahay in uu wax dooran karo, lana dooran karo, muwaadinka Mukhtaar Roobowna uu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay murashaxnimadiisa sida ay cadeeyeen guddiga oo guddoonsiiyey shahaado cadeyneysa inuu u tartami karo doorashada koonfur galbeed, isla dastuurka waxaa uu sheegay in aan qof la xiri karin xarig aan sharciga waafaqsaneen, awoodda dowladana aan marna loo isticmaali karin meel ka dhac dhan ka ah karaamada iyo xuquuqda aadanaha, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti uu dhasho qabashadii Mukhtaar Roobow, oo sida uu sheegay loo soo xiray si baal-marsan sharciga, maadaama aan amar maxkamadeed lagu soo qaban.

“Sida uu qabo dastuurka, xukuumadda waxaa iney heysataa kalsoonida dadweynaha, sidaasi daraateed waxaa mudan in la xuso in shacabka dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ka biyo-diidsanyihiin faragelinta xukuumadda, una baahan yihiin iney u madaxbannaanadaan aayo ka tilinta arrimaha gudahooda”.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ku baaqay in doorashada dib loo dhigo, lana soo daayo roobow, kuna laabto deegaankiisa.

Ugu danbeyn waxaan ku Baaqayaa:

  • In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.
  • In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta lagahelayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
  • In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.
  • In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.
  • In musharaxa xiran xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah.

Goobjoog News