U bood dhigaalka

Murusade oo La Musuqay: 4 Ka Mid Ah 6-dii Saxiixe Ee Galmudug oo La Badalay!!

Sheeko:Dalka

Goobjoog News ayaa ogaatay in beesha Murusade oo ka tirsan beelaha Galmudug aad loo musuqay liiska odeyaasheeda lana badalay saxiixayaashii dhisay Galmudug 2015-kii.

Xogta ay Goobjoog News heshay waxaa ka mid ah in la badalay 4 odey oo ka mid ahaa 6-dii odey ee saxiixayaasha u ahaa beesha Murusade.

Sidee Isbadalka u Dhacay?:

1. Muuse Maxamud Cali  oo ahaa saxiixaha 2015-kii ayaa lagu badalay Xasan Axmed Sabriye, Habar Maxamed,  Hillibi.

2. Cabdulahi Daahir Maxamed oo saxiixe ahaa 2015-kii lagu badalay Cabdiqaadir Wabeen, oo Daguuro

3. Iimaan Jimcaale Faarax oo ahaa saxiixe 2015-kii  ayaa lagu badalay Cali shiine, Abakar

4. Maxamed Cabdi Badane oo ahaa saxiixe 2015-kii ayaa lagu badalay Maxamed Dheere, Cabdlle

6-dii saxiixe ee rasmiga ahaa waxaa ka soo haray Maxamed Xasan Xaad iyo  Nabaddoon Bootaan oo la sheegayo in weli laga daba qeylinayo.

Odeyaal la hadlay Goobjoog News ayaa eedda dusha ka saaray  guddoomiyaha degmada Dayniile Dayniile Jacfar Abuukar Cali , Yaxye Hareeri iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa la sheegayaa in aaney awood u laheyn iney xaqiijiyaan hufnaanta xulista odeyaasha saxiixayaasha taasi oo su’aalo badan ka keeni karta tayadooda ku aadan iney doorasho xalaal ah qaban karaan.

Maxaa Ka Jira Beelaha Kale iyo Xulista Xildhibaannada, Kala soco Goobjoog News

Goobjoog News