U bood dhigaalka

Museveni Oo Sheegay In AMISOM Aysan Shaqaale u Ahayn QM

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta ah ka wada Soomaaliya aanay shaqaale u ahayn Qaramada Midoobay, ayna yihiin ciidankaasi kuwo ay leedahay Qaaradda Africa.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM aysan ka tirsaneyn Qaramada Midoobay, balse ay wax ka bixiso QM taakuleynta ciidamadan oo kaliya waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ciidamadan ayuu sheegay in kaliya loogu talogalay iney ilaaliyaan ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale xasiloonida.

“Ciidamada AMISOM, waa Afrikaan, ma ahan kuwo ka tirsan Qaramada Midoobay, kaliya QM waxay wax ka bixisaa taakuleynta ciidamadan” ayuu yiri Museveni.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada badan ka joogaan Soomaliya, kuwaasi oo ka qeybqaata howlgalka AMISOM ee Midowga Afrika.

Goobjoog News