U bood dhigaalka

Museveni: Uganda 5,000 Oo Ciidan Ayey U Direysaa Soomaaliya…Waa Haddii Lacag Loo Helo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa la sheegayaa in uu ogolaaday in Soomaaliya u soo diro 5,000 oo ciidamo ah, waa haddii sida uu sheegay loo helo lacag iyo qalab ay ka mid yihiin Helicoptero.

Museveni  waxaa uu hadalkan ka yeeshay kulan uu bishii hore magaalada New York kula qaatay Mr Donald Yamamoto, oo ah sarkaal xogheyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika.

Uganda, oo hadda 6,000 oo ciidamo ah ka joogaan gudaha Soomaaliya, waa dalka AMISOM ku leh ciidamada ugu badan, waxaa ay in muddo ah ka sheeganayeen mushaaraadka.

Kulankan qadada ahaa, oo ka dhacay inta uu socday shirkii Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysay waxaa la sheegayaa in mas’uulka Mareykanka aanu Museveni siin wax jawaab ah.

Todobaadkii hore, Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa booqasho ku tagay Uganda isaga oo codsaday taageerada dalkaasi ee la dagaalanka Al-shabaab, lama oga kulankaasi waxa ka soo baxaya iyo in Uganda ciidamo soo diri-doonto iyo in kale, waxaa kale oo aan la ogeen in AMISOM ay dagaalka qeyb ka tahay.

Goobjoog News