U bood dhigaalka

Musharax Kale oo Isu Soo Taagey Madaxweynenimada Gobolada Dhexe

Sheeko:Dalka

gaalkacayoWaxaa isa soo taraya tirada musharixiinta isu soo taagaya xilka madaxweynenimada ee gobolada dhexe ka hor inta uusan furmin shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee lagu balansanyahay magaalada Cadaado.

Maanta xaflad balaaran oo lagu qabtay magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa musharnimadiisa soo bandhigey musharax cusub oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Axmed Tooyo.

Musharaxa oo madasha ka hadlay ayaa sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay maamulka Galmudug oo ahaa kii ugu horeeyey ee la sameeyo in maanta la heley fursad hal maamul ay u wada sameystaan dhamaan gobolada iyo deegaanada.

Mas’uuliyiintii meesha ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Xasan Maxamuud Heyl , kaasi oo sheegey in uu ku faraxsanyahay in maanta la marayo xili dadka ay cod ku tartamaan oo aanan qori iyo yaa xoog badan wax lagu kala goosanaynin.

Illaa 4 musharax oo kale ayaa horey u shaaciyey musharaxnimadooda, kanina waxa uu ku noqonayaa musharixii 5aad.

Dhageyso

Goobjoog News