U bood dhigaalka

Musharrax C/raxmaan C/shakuur “Shaqsi Ka Tirsan Gobolka Banaadir Ayaa Fujiyey Boorar Aan Ku Xayeeysiinayey Musharraxnimadeyda”

Sheeko:Dalka

Musharrax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in la fujiyey Boorar uu isku xayeeysiinayey kuwaa oo lagu dhejiyey qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Musharraxa in markii la fujiyey boorarkaasi uu xiriir la sameeyay shirkaddii shaqadaasi heshiiskeeda uu la galay balse loo sheegay in shaqsi ka tirsan maamulka gobolka Banaadir arrintaasi ka dambeeyo.

“Boorarkaan Saddex Maalin kahor ayaa la dhajiyey, mid ka mid ah oo ku yaalla  Daljirka Daahsoon waa la fiiqay, qof aan naqaanno oo gobolka Banaadir ka shaqeeya ayaa sidaasi sameeyay, marka aan la xiriirnay shirkaddii Xayeeysiinta noo sameynaysa ayaa inoo sheegtay in mas’uul ka tirsan Gobolka Banaadir fiiqay, kadib waxaa kusoo xigtay in la dejiyey hadane Boorar kale,  shirkaddii aan heshiiska la ahayn markaan la xiriirnay waxay inoo sheegeen in Hanjabaad uga timid Nabad sugidda, shirkad kale oo ganacsi ka dhaxeeyay oo shirko ahaayeenna handadaadaasi lagu sameeyay oo iyana dib uga guratay howshaasi, waxaan u aragnaa inay tahay xadgudub ku aadan xorriyadda asaasiga ah ee muwaadinka,  midda siyaasadeed iyo midda dowladeed, waan ka xunnahay in hay’adihii dowladda iyo maamulka gobolka loo isticmaalo dano gaar ah, ayna kala garan waayaan arrimahaasi”

Hay’adda Nabad sugidda iyo maamulka gobolka Banaadir ayuu ugu baaqay haddii falkaasi dhacay ay ku ekeyd mas’uuliyiin hoose in tallaabo adag ay ka qaadaan shaqsiyaadka arrintaasi ku kacay.

“Waxaan ugu baaqeynaa madaxda gobolka iyo hay’adda Nabad sugidda intaba haddii ay waxaasi ahaayeen wax ku eg mas’uuliyiin hoose ay tillaab ka qaadaan, haddii ay iyaguna qeyb ka yihiin arrinytaasi caddeystaan jawaab cad ayaan u baahannahay, shirkadihii aan heshiiska la galnay ayaan la xiriirnay oo dabagal ku sameeyay, waxa la dhibay oo la iska daba wareejiyey waa iyaga, , mana ahan in  la isku isticmaalo magaca iyo mas’uuliyadda dowladda”

Dhinaca kale musharraxa ayaa yiri “Uma baahna dowladda in musharaxnimadeeda la socoto sharcina ma ahan, inaan u sheego muhiim ma ahan, Dastuurka dalka wuxuu qorayaa xorriyadda asaasiga ah ee muwaadinka, waxaa muhiim inay ilaaliyaan xuquuqdeeda, weyna gabeen waana kasoo horjeednaa waana sababta keentay in dalkaan isbedal u baahan  yahay, naguna dhalisay in talada dalka raadinno, waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha inay ogaadaan xaqqa musharaxnimada, dorashada iyo ololahaba inay ogaadaan in dadku u siman yihiin oo aanay ku takri falin xafiisyada dowladda”

Ugu dambeyn C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in si walbo oo loo fujiro boorarkiisa aanu ka niyad jabi doonin islamarkaana sii wadi doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga waan wadeynaa ololaheena, meel haddii ay ka fujiyaan meel kale baan ku dhejinaynaa, laakiinse waxaa fool xumo ah in caqabad lagu noqdo ololaheena, habeen iyo maalin la daba socdo inaanu guuleysan ololaheena” ayuu  hadalkiisa kusoo gabagabeeyay C/raxmaan C/shakuur.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska nabad sugidda weli arrintaasi kama aanay hadal, hase ahaatee maalmahan dambe musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ayaa waddooyinka Muqdisho ku dhejinayey boorar ay ku qoranyihiin xayeeysiinta musharraxnimadooda.

Goobjoog News