U bood dhigaalka

Musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Oo Tanaasulay

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furay kulanka xildhibaannada baarlamaanka ay ku dooran doonaan madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu ka tanaasulay musharraxnimadiisa Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Musharraxiinta maantatartameysa waxay gaarayaan 21 mudane, waxaana daqiiqado kadib si toos ah u  bilaaban doona doorashada madaxweynaha.

Dhammaan musharraxiinta madaxweyne ayaa soo buuxdhaafiyey howlka ay ka dhaceyso doorashada, waxaana sidoo kale halkaasi ku sugan xubno ka socda beesha caalamka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News