U bood dhigaalka

Musharraxiin Ku Qulqulaya Magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa aad waxaa looga dareemayaa diyaar garow xooggan oo  loogu jiro doorashada madaxweyne ee maamulka K/galbeed.

Todobaadkii tagay, xildhibaannada K/galbeed ayaa go’aamiyey watqiga kama dambeysta ah ee ay doorashadan dhici doonto, iyadoo dhanka kalena Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku dhowaaqay inuu musharrax yahay.

Hadaba waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ku qulqulaya musharraxiin doonaya iney u tartamaan xilka madaxweynaha K/galbeed.

Aadan Saransoor ayaa ka mid ah siyaasiyiinta gaaray magaalada Baydhabo, wuxuuna maanta ku dhowaaqi doonaa inuu yahay musharrax u taagan doorashooyinka November 17 2018 ka dhici doonta Baydhabo.

Halkaan hoose ka dhageyso wararkii  ugu dambeeyey doorashooyinkan.

Goobjoog News