U bood dhigaalka

Musharraxiin Si Gaar Ah Ciidamo Ula Tagay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirtay hadalhayn aad u badan oo ku aaddan in musharraxiin u taagan xilka madaxweyne ee maamulka K/galbeed ay ciidamo la tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wasiirka warfaafinta K/galbeed Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyey in musharraxiinta qaar ay ciidan iyo hubba la tageen magaaladaasi, balse waa uu sababeeyey.

Waxa uu tilmaamay in qaarkood ay xilal sar-sare ka hayeen dowladda dhexe, xaaladda dalka ka jirta awgeedna ay ku qasbanaadeen in ilaaladooda horey usoo kaxeystaan.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in wax dhib ah aanay ku jirin in musharraxiinta ay wataan askar dowladda ah, maadaama ammaanka la xaqiijinayo.

Horey saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ka dalbaday musharraxiinta in ciidamadooda aanay ku dhex milmin waxa socda, islamarkaana ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqyada wax u dhimi kara ammaanka.

Goobjoog News