U bood dhigaalka

Musharraxiinta Xubnaha Aqalka Sare Ee Hirshabelle Oo Maanta Lagu Dhowaaqayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo sabti ah ayaa lagu wadaa in lagu dhowaaqo musharraxiinta xubnaha aqalka sare ee maamulka Hirshabelle, iyadoo loo gudbin doono guddiga doorashooyinka dadban.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo Afar maalin ah oo maanta ay ka billaabato kusoo dhameystiri doonaan xubnaha aqalka sare ee Hirshabelle.

“Waxaan muddo Afar maalin ah kusoo dhammeyn doonnaa xubnaha aqalka sare ee kusoo aaddey maamulka Hirshabelle, waqti dambe in uu dib naga dhumo ma dooneyno, waxaan rabnaa in howlaha na horyaalla kusoo dhammeyno sida ay yihiin” ayuu yiri madaxweynaha.

Hirshabelle waxaa kusoo aadeey 8 xubnood, waxaana Labada gobol ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe u kala qaateen min Afar xubin.

Haddii maanta lagu dhowaaqo musharraxiinta xubnaha aqalka sare, waxaa xigi doona in maalinta berri ah ay musharraxiinta qudbadahooda kahor jeediyeen  baarlamaanka Hirshabelle, iyadoo maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashada.

Maamullada Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa soo doortay xubnaha kaga soo aadey aqalka sare, waxaana weli dhimman xubnihii Somaliland kaga soo aadey aqalka sare.

Goobjoog News