U bood dhigaalka

Musharraxiinta HOP#069, HOP#038 iyo HOP#095,oo Shahaadooyinkoodii Qaatay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee  SEIT Galmudug  ayaa shaaciyey musharraxiinta isu diiwaangeliyey Kuraasta tirsigoodu kala yahay  HOP#069, HOP#038 iyo HOP#095, kuwaas oo deegaan doorashaduudu tahay magalada Gaalkacyo. Guddiga ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in doorashada kuraastaan ay dhicidoonta maalinta barri ah 13/03/2022-ka.

1: kursiga tirsigiisu yahay HOP#69 aya waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, waxaana ku tartamaya musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, iyo Musharax Maxamed Axmed Maxamed, waxaana tartanka isaga tanaasulay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxaan Yuusf Sheekh Alcadaala.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#038 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Axmed Macalin Fiqi, Wasiirkii hore ee Amniga DG Galmudug, waxaana uu sheegay inuu isaga haray tartanka kursiga, waxaana ku tartami doonaa Barri 5 musharrax, kuwaas oo isu diiwaan galiyey in ay u tartamaan kursiga HOP#038 oo midkood uu matali doono kursigaan.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#095 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac, waxaana kula tartami doonta sedex musharrax oo kale oo mid waliba uu sugayo inuu noqdo qofka kusoo baxa ee ku biira Baarlamaanka 11-aad, kursigaan ayaa xiisad ka abuuray Gaalkacyo iyadoo markii dambe laga dhigay mid aan cid u xirney.