U bood dhigaalka

Musharraxiinta Jubbaland Oo Ololahooda Ka Bilaabay Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa maanta Olole ballaaran ka bilaabay qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ee maamulkaasi.

Gaadiid lagu soo rakibay cod baahiyeyaal, laguna soo xardhay sawirada musharraxiinta ayaa hadba gees ugu yaacaya xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana ay ku dhawaaqayaan erayo taageero loogu muujinayo musharraxiinta.

Sidoo kale waadooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in lagu xardhay sawirada Musharraxiinta qaarkood, iyadoo jawiga Kismaayo uu maanta yahay mid aad uga bedalan maalmihii aynu kasoo gudubnay.

Musharraxiinta hadda aadka Ololahooda uga bilaabay magaalada Kismaayo waxaa ka mid ah Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Hilowle Aadan Maxamed.

Maanta ayeey ku egtahay qabashada araajida Musharraxiinta Xilka madaxweynaha Jubbaland, waxaana guddiga uu horay u sheegay in uu hayo araajida Seddax Musharrax.

Doorashada Jubbaland ayaa dhici doonta 15-ka bishaan August, waxaana wax dooran doona baarlamaanka Maamulkaasi.

Goobjoog News