U bood dhigaalka

Dhageyso: Musharraxiinta Qaar Ee Madaxtinimada Puntland Oo Soo Dhoweeyey Guddigii Uu Magacaabay Injineeer Camey

Sheeko:Dalka

Musharrixiintii ka hor yimid guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa taageeray guddi kale oo kaas la mid ah oo uu magacaabay ku xigeenkiisa, Injineer Camey.

Musharaxiinta oo Shir jaraa’id ku qabtey Garoowe, ayaa sheegay in xubnaha ku jira guddiga uu magacaabay Gaas aysan noqon karin kuwo cadaalad iyo dhexdhexaad ah, maadaama badankood yihiin mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo saaxiibo ku dhow Gaas.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga.

Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta.

Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa ka digay khilaafka iyo is barbar yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamanka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada