U bood dhigaalka

Musharraxiinta Puntland Oo Lagu Eedeeyey Amni Xumida Garoowe

Sheeko:Amniga

Guddiga Amniga Puntland ayaa soo saarey qodobo ku qotomo doorashadda Madaxwaynaha ee kusoo wajahan maamulkaan, taasi oo ay ka harsan tahay muddo 80-cisho ah.

Taliyaha ciidamada xasilinta gobolka Nugaal Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay caqabado dhanka amniga oo Garoowe ku soo kordhay in ay masuuliyaddooda leeyihiin musharrixiinta.

Waxa uu sheegay taliyaha in xabadaha habeenkii dhaca ay hadda ridaan ilaalada mas’uuliyiinta, isaga oo sheegay in aan loo dulqaadan doonin arrimahaasi.

Taliyaha ayaa sheegay in magaalada oo aad u buux dhaafiyeen siyaasiyiin ayaa hadana ilaalada ay kala wataan mararka qaar rasaas ay ridaan.

“Ciidamo badan oo hub ku dhex wata magaalada ayaan qabannay waxay sheegayaan in meel banaanka ka ah magaalada ka yimaadeen ama ku leeyihiin hebel ayaan la soconnaa, hadaba ciidamada sidaas oo kale ah hubka Koontaroolka ayeey soo dhigi doonaan, ama waan maxkamadeyn doonnaa” ayuu yiri taliyaha.

Garoowe ayaa amni ahaan maalmahan dambe ahayd mid aad uga sii dartay, waxaana magaaladaasi ku batay dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah.

Goobjoog News