U bood dhigaalka

Muslimiin Badan Oo Taagan Buurta-Carafo Si Ay U Gutaan Acmaasha Xajka

Sheeko:Caalamka

Maalayiin xujey ah ayaa  maanta oo arbaca ah taagan Buurta-Carafa  si ay u gutaan rugniga ugu weyn ee  acmaasha Xajka.

Marka ay qoraxdu dhacdo  ayaa xujeydu  ay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay u dhameystiraan waajibaadkooda.

In kastoo wali uu jiro in sanadkan saamey uu ku yeeshay  COVID-19 hadana waxa jira muslimiin badan oo gudanaya maanta acmaasha xajka.

Xujeyda Sanadkan 2020 ayaa  lagu soo koobay 10 Kun oo Ruux, kuwaas oo ka imaanaya Gudaha dalka Sacuudiga sababo la xiriira Coronavirus.

Waxa sidoo kale maanta soomaan muslimiin badan  oo caalamka ku nool , iyadoo maalinta beri oo Jimca ah ay  ku began tahay maalinta Ciidul -Adxa.

Magaalooyin badan oo Soomaaliya ah waxa ka soconaya diyaargarowga dadka ay ugu jiraan maalinta Ciidul-Adxa , waxana suuqyada dalka  ku sugan dadwayne doonaya  in maalintaas ay u dabaal-degaan.

Goobjoog News