U bood dhigaalka

Muungaab “Waa In Laga Warqabaa Qof Walba Oo Xamar Soo Galaayo, Weydhamaatay In Magaalada La’iska Soo Galo” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MuungaabGudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in loo baahan yahay cid walba oo soo galaysa magaalada Muqdisho in lala socdo, lagana warhaayo meesha ay kusoo wajahanyihiin.

Muungaab oo maanta furay barnaamijka Dariseynta degmooyinka ee gobalka Banaadir, kaa oo ka bilawday degmada Waabari ayaa sheegay in barnaamijkaan qorshaha laga leeyahay uu yahay in la ogaado cid walba oo joogta magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Muungaab in meel walba oo laga soo galo magaalada Muqdisho lagu ogaanayo dadka soo galaya, islamarkaana cid walba la weydiin doono halka ay u socoto, sidaana ay ku sahlanaaneyso in laga war hayo qof walba oo Muqdisho joogta.

“Waxaan Rabnaa in 10-ki Guri qof mas’uul ah uu yeesho, waa in laga warqabaa qof walba oo Xamar soo galaayo, magaalada oo dhan in ay gacanta soo gasho ayaan rabnaa, lama soo geli karo ilaa laga helo qofka imaanaya guriga uu ku socdo, amaankana wuu hagaagayaa” ayuu yiri Muungaab.

Maanta waxaa si toos ah magaalada Muqdisho uga furmay barnaamijka dariseynta, taa oo degmo walba guryaha ku yaala la’isugu xiri doono 10 guri.

Halkaan Hoose Ka dhageyso.

Goobjoog News