U bood dhigaalka

Muungaab: Waxaan dhisi doonnaa goobaha muhiimka ah ee Muqdisho

Sheeko:Dalka
Xasan Maxamed Xuseen
Xasan Maxamed Xuseen

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay dhisi doonaan goobaha muhiimka u ah maamulka xilli dhismo uu ka socdo xarunta Fiisha Gufeerno ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in marnaba dhismaha xarumaha dowladda u hakin doonin taageero la’aanta dalalka caalamka.

Muungaab waxa uu sheegay in dib u dhiskan xarumaha ay ku hayaan ay yihiin kuwo bilow ah isla markaana ay sii socon doonaan.

Qaar ka tirsan shirkadaha ganacsi ee magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer qalab dhisme oo kala duwan ku wareejiyay maamulka gobolka Banaadir si gacan looga geysto dhismaha xaruntii hore ee gobolka Banaadir.

Hoos ka dhageyso codka Xasan Maxamed Xuseen: