U bood dhigaalka

MUUQAAL: Dowladda Ingiriiska Oo Ka Qeyqaadaneysa Gurmadka Abaaraha Iyo Horumarinta Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxa waaxda horumarinta caalamiga dalka Britten ee Soomaaliya Phil Evans oo wareysi gaar ah siiyey Goobjog News, ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo sidoo kale xiriirka Labada dal.

Ugu Horreyn Mr. Evans ayaa Goobjoog News, uga warbixiyey kulan uu magaalada Muqdisho kula qaatey madaxweyne Farmaajo, isaga oo sheegay iney ka wada hadleen arrimo la xiriira abaaraha, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay ugu tabaruceen 100 milyan oo Bound, taasi oo wax looga qaban doono dhinacyada cunnada, daryeelka caafimaadka iyo waxyaabo kale oo gargaarka la xiriira”

“Kulankii madaxweynaha ee shalay wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah oo lagu soo weecinayey dareenka qof kasta dhabaatooyinka ay Soomaaliya wajaheyso ee ah qatarta macluusha soo laalaabata ee na soo martay 2012kii waxaana isleeyahay inay tahay wax aad u wanaagsan inaan isku geyno dadaaladeena si aan u xaqiijinno inaysan arrintani mar kale dhicin, dhinacyada  dowladda, bulshada rayidka, ganacsiga gaarka loo leeyahay, qurba joogta iyo dabcan deeq bixiyaasha ee Soomaaliya .kuwaasoo aad u daneynaya inay ka jawaabaan baahida loo qabo sidii loo maareyn lahaa dhibaatadan”

“Waxaa isleeyahay markii ay timid waxay si murugo leh uga war bixineysay xaaladda ka sii dareysa ee dhanka cunada iyo abaarta waxaana horey loogu dhawaaqay 10 million taasoo ka fog warbixinta aan hayno waxaana kala hadalnay dhammaan saaxiibadeen in arrintaani ay tahay dhibaato aad u weyn markaasna aan ka fikirno wixii aan qaban karno kadibna aan tilaabo degdeg ah qaadno si aan u kordhino taageeradeenna, waaba bilawnay qeybinta marka dhammaan saaxiibadeen si degdeg ah ayey shaqada u bilaabayaan, waxaan la shaqeyneynaa saaxiibadeena qaramada midoobay oo aan la leenahay xiriir muddo dheer soo jiray. Sida WFP, UNICEF, hay’adda cunnada iyo beeraha iyo qeybaha kale ee qaramada midoobay, waxaan sidoo kale la shaqeyneynaa saaxiibadeenna NGOyada dalka kuwaasoo horeyba dalka uga shaqeynayey waana dardargelin karnaa dadaalladeen si degdeg ah si aan u wajahno dhibaatadan” ayuu hadalkiisa raaciyey Phil Evans.

Sidoo kale Phil Evans ayaa sheegay in si xowli ah ay u shaqeyn doonaan si looga hortago macluusha, islamarkaana aysan dhicin abaartii 4 sano kahor dalka ka dhacday.

“Waxaan isleeyahay waa inaan so xowli ah u shaqeyno si aan u xaqiijinno si aysan heerkaas u gaarin, sanadkii 2012-kii taageeradu waa soo daahday si looga hortago macluusha waayo aragnimo ayaana ka qaadannay dhacdadaas waxaana isleeyahay in hadda bulshada caalamku ay jawaab degdeg ah bixineyso kadib markii ay maqleen baaqyada laga soo jeedinayo dhibaatada, haddii aan  si wadajir ah u wada-shaqeyno si aan u suurtagelino jawaab degdeg ah oo aan bixinno bilaha soo socda waxaan markaas haysanaa fursad fiican oo ah inaysan soo laaban macluusha, dadku waqti adag ayey ku jiraan waana arki karnaa laakiin caawinaaddeena la’aanteed iyo tan dowladda iyo saaxiibada kale ee aan sheegay bulshda rayid, ganacsi gaarka ah waxaan haysanaa waqti fiican oo aan uga hortagno dhibaatada soo laabata ee dhacday 2012kii”

Waxa uu sheegay Mr. Evans in helitaanka shabakad ka jawaabta abaaraha Soomaaliya ay wax badan sahleyso, maadaama sanadkii 2012-ka aaney jirin sidan oo kale.

“Geeddi socodkaas waaba la billaabay waxaan ka shaqeyneynaa qorshe jawaab ah oo la sii marsiinayo nidaamba arrimaha bini’aadanimo ee qaramada midoobay oo si dhaw loola kaashanayo dowladda waxaana horey u jirtay shabakad jawaab ka bixineysay abaaraha oo ay ku hawlanaayeen dowladda iyo dhammaan gobollada kuwaasoo gacan ka geystay dadaallada wax lagu caawinayo marka waxaa jira nidaam dowladdu u dejisay oo aan jirin sanadkii 2012kii laakiin hadda shaqeynaya taasoo aad noo rajo gelisay oo aan degdeg ah wax uga qaban karno masiibada”.

“Jawaabta laga bixiyey dalabka waa mid degdeg ah waxaana rajeynayaa in  si buuxda laa qeybiyo, horey ayaan u bilawnay geeddi socodka aan wax ku qabaneyno waxaana rajeynaynaa inaan fulino balanqaadkeena deeq bixiyaasha kale ee iyaguna balanqaadka sameeyey waxaan ku kalsoomnahay inay fulinayaan balanqaadkooda waxaana dhammaanteen aaminsanahay in tilaabo la qaado, diyaargarowga si wanaagsan ayuu ku socdaa, hadda waxaa jira madaxweyne iyo ra’iisulwasaare waxaana bilawnay inaan si dhaw ula tashano saaxiibadeena dowladda si aan uga wadashaqeyno arrimaha la filayo in shirku ka soo baxo waxaana leenahay han weyn oo aan ku caawin karno Soomaaliya inagoo la kaashaneyna saaxiibada kale iyo bulshada caalamka si loo xoojiyo saldhiggii lagu gaari la’haa xasillooni iyo barwaaqo sanadaha na soo aadan shirkuna ujeedkiiso wuxuu yahay sidii la isugu keeni lahaa taageerada caalamka.

Phil Evans ayeeynu ugu dambeyn wax ka weydiinnay arrimaha ku aadan la shaqeynta dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ka gacansiinta arrimaha horumarinta.

“Haa si dhaw ayaan ugala shaqeyneynay dhammaan geeddi socodyadii lagu soo dhisay dowlad gobolleedyada kana caawino meelmarinta nadiimka dowliga ah shaqana bilaabaan markaasna ay si buuxda uga qeyb noqodaan dowladda Soomaaliya, farqiga ugu weyn ee waqtigan jira eek u wajahan shirka Landon ee marka la barbar dhigo shirkii horey u dhacay wuxuu yahay in hadda ay jiraan dowlad gobolleedyo kuwaasoo arrinta qeyb ka ah lana shaqeynaya madaxweynaha iyo ra’iisulwasaaraha si ay mustaqb wanaagsan ugu horseedaan Soomaaliya.

Wareysi Qaade: Axmedweli Xuseen (Tifaftiraha GoobjoogFm) 

Goobjoog News