U bood dhigaalka

MUUQAAL: Ehlada Wiil Soomaaliyeed Oo Ay Jiireen Gaadiidka AMISOM Oo Dalbaday Magdhow

Sheeko:Dalka

Ehlada Marxuum Cali Cismaan Maxamed Aba-sheekh oo 9-kii bishan gaadiid ay leeyihiin ciidanka AMISOM ku jiiray magaalada Muqdisho ayaa dalbaday Magdhow, sidoo kalena baaq u direy dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa Ifka uga tagey Afar Carruur ah, isaga ayaa carrurtiisa iyo hooyadiisba u shaqeyn jiray, hase ahaatee hadda meel cidlo ah ayeey fadhiyaan.

Hooyada dhashay Marxuumka ayaa u sheegtay Goobjoog News, in aaney garaneyd hadda cid lasoo dhicisa quudul daruuriga Carruurteeda, iyaga oo ilmeynaysana waxay dalbatay cadaalad.

Rajo xumo ayeey muujiyeen qoyska Marxuumka markii Taliska Taraafikada laga sii daayay gaarigii AMISOM ee jiiray Marxuum Aba-sheekh, waxayna Ku Celceliyeen in cadaalad ay helaan.

Hoos ka daawo warbixinta 

W/D: Munasar Maxamed Cabdi

Goobjoog News