U bood dhigaalka

Farmaajo Oo Baaq u Direy Musharraxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadey inuu yahay Musharrax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo dhanka kalena baaq u diray musharraxiinta kale ee xilkaasi u tartamaya.

Farmaajo oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ugu horreyn u mahadceliyey shacabkii iyo ciidankii maanta kusoo dhoweeyey magaalada.

Waxa uu tilmaamay Farmaajo in ulajeedka uu u yimid Muqdisho ay tahay inuu u tartamo xilka madaxweyne ee Soomaaliya, waxaana dhanka kale baaq uu ka direy abaaraha dalka ka jira.

“Waxaan halkaan u imid oo aan fursad idiin siinayaa inaan ahay maanta laga bilaabo musharrax u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, tartanka dhici doona maalmaha soo socda, barnaamijkeyga siyaasadeed gadaal baan ka shaacin doonaa, waxaan rabaa inaan diro baaq ku saabsan arrimaha abaaraha, waxaan ognahay in abaar dheer ay dalka ka jirto, dad iyo xoolo badan ay ku baaba’een, waxaan rabaa inaan ganacsatada Soomaaaliyeed iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka aan ugu baaqo inay gacan ka geystaan sidii wax loola gaari lahaa ilaahayna waxaan ka baryeenaa in dhibkaasi iyo culeyskaasi ka dulqaado”

Farmaajo oo hadalkiisa sii watey ayaa Hambalyo u direy ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo maanta u dabaaldegaya 73-sano guuradii kasoo wareegtay aas aaskooda.

“Waxaan kaloo rabaa in fursaddaan uga faa’ideysto oo aan ugu hambalyeeyo ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda sanaguuradii 73-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaan ugu mahadcelinayaa sida hagar la’aanta ah ee ay ugu huraan maalin walbo naftooda, si dalkaan ugu keeni lahaayeen xasilooni amniga, mar walbo waxaan rabnaa inaan xusuusnaano sida geesinimada leh ee shacabka u difaacaan”

Musharrax Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqey musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne in ay ku kalsoonaadaan xildhibaannada Soomaaliyeed oo uu sheegay in shacabka ay matalayaan.

“Waxaan rabaa inaan halkaan uga hambalyeeyo xildhibaannada cusub, waxaa soo if baxaye in musharraxiinta qaarkood aysan kalsooni ku qabin shacabkooda, waxaan ku boorinayaa musharraxiintaasi u tartamaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, iney imaansadaan shacabkooda iyo xildhibaannada la doortey, kalsoonina ay ka raadiyaan oo aysan aadin dowlado shisheeye iyo wax lamid ah, maxaa yeelay dalkaan Soomaali baa is kaleh, xildhibaannadanna waxaa loo doortay inay noqdaan codka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa kusoo gabogabeeyey Maxamed C/laahi Farmaajo.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda laga dareemayaa ololaha doorasho ee ay kala wadaan mas’uuliyiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya.

Goobjoog News