U bood dhigaalka

MUUQAAL: Isbaarooyinka Sh/hoose Oo Tiro Batey

Sheeko:Dalka

Dhammaan gaadiidleyda gobollada Shabellaha Hoose iyo Baay  ayaa ka wada siman dhibaato ay sheegeen iney ka jirto Waddooyinka, gaar ahaan midda u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo oo ay sheegeen in laga qaado lacag badan.

Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka Muqdisho ka baxa hadane taga Deegaannada Koonfur galbeed gaar ahaan Baydhabo  oo aan kula kulmay Muqdisho ayaa sharaxaya lacaya Lacagta laga qaado iyo Isbaarooyinku halka ay yaalaan.

“Magacaygu waa tabliiq, waxaan ka shaqeeyaa Muqdisho iyo Baydhabo, lacagta isbarada nalooga qaado waa xad dhaaf, haddii aan isbaarada dhiibno oo gaari shidaal lagu shubo annaga wax inoo soo haraya malahan, lacagta isbaarada inooga baxda waa illaa Saddex Milyan..8 meel ayaa nalooga qaadaa”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goor sii horreysa gaaray Magaalada Afgooye Ayaa sheegay in Ciriiriga Wadooyinka Dowladdu wax ay ka qabanayso, gaar isbaarooyinkana la ciribtirayo.

“Laga bilaabo maanta qofkii lagu arko Isbaaro ma ahan wiilasheeda, dowladani ma ahan mid xoog ku timid, waa mid ku timid rabitaanka shacbka, dowladdaan idinkaa iska leh, annaga adeege ayaan idiin nahay”

Hadalka Madaxweyne Farmaajo Aragti ka duwan waxaa Qaba Wadyaasha Gawaarida Muqdisho ka baxa tagana Koonfur galbeed.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda in si dhaqso ah uga jawaabto arrintaan…. nimanka taraafikada qaadayey ayaa laamiga wanlaweyn dhex tagan iyaga oo qoryo wata, waxaan dowladda ugu baaqeynaa iney wax ka qabtaan arrintaasi”

Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur Caraale ayaa qaba in Caqabad aan maara loo heyn isbaaradu ay ku noqotay Deegaanadooda.

“Madaxweyne waxaa nasiib darro noqotay jid laguu soo maro ayaa la waayay, dadkii wixii kuu imaan lahaa iney diyaarad soo qaateen maahee jidka waa la mari waayey, waxaa fariistay niman shabaab la yiraahdo, burcad tuugo ah, maleeshiyad qabiil iyo ciidamada SNA”

Waxaa fashilmay dhowr isku day oo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka K/galbeed ku doonayeen iney wax uga qabtaan isbaarooyinka yaalla magaalada Muqdisho.

W/D: Cali Aadan Muumin

Goobjoog News