U bood dhigaalka

MUUQAAL: Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ifiyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u howlgeliyey nalalkii ku shaqeynayey cadceedda ee muddooyinkaan dambe densanaa.

Mugdi badan ayaa markii hore laga dareemayey waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, sababtuna waxay ahayd nalalkii cadceedda ku shaqeynayey ayaa qaarkood densanaa, kuwana waaba ay burbureen.

Balse Todobaadyadii ugu dambeeyey maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u habeeyey dhammaan leerarkaasi, wuxuuna sidoo kale maamulka muday kuwo cusub oo lagu bedalay kuwii burburay.

Hadaba Goobjoog ayaa warbixintaan muuqaalka ah ka diyaarisey dib u idinta caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News