U bood dhigaalka

Muuqaal: Maxaa Sababay In Dib Looga Laabto Mooshinkii Laga Keenay Madaxweyne Farmaajo?

Sheeko:Dalka

Aqoonyahanno iyo falanqeeyayaal dhanka siyaasadda ah ayaa aragti kala duwan ka bixiyey waxa sababay in xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ay dib uga laabtaan mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Waxa ay qaarkood sheegeen in sababtaasi laga yaabo iney tahay  u turista dalka iyo dadka.

Halka aqoonyahannadan qaarkood ay sheegeen iney tahay guul darro siyaasadeed oo soo wajahday xildhibaannadii mooshinka waday.

Dhowaan xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka oo mooshin ka keenay madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sababta ay dib uga laabteen mooshinkaa ay tahay u turista shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka daawo:

Goobjoog News