U bood dhigaalka

Muuqaal: Maxaa Sababay Iney Hakadaan Howlihii Shaqo Ee Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maalmahan dambe si sabab la’aan ah hakad u galay kulamadii xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo shaqooyin badan ay jireen.

Wixii ka dambeeyey kala diristii guddiga maaliyadda ee golahaasi waxaa yimid kala aragti duwanaanshiyo badan, iyadoo guddoonkana sabab la’aan u baajiyey kulamada.

Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka tirsan xildhibaannada golaha shacabka, wuxuu u sheegay Goobjoog, inaan lala soo socodsiin baaqashada kulamada isaga mas’uuliyadda arrintaasi ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:

Goobjoog New