U bood dhigaalka

Muuqaal: Shacabka Oo Dhibaato Ku Qaba Xarunta Dad Dhigista Dowladda Hoose Ee Xamar

Sheeko:Dalka

Waxyaabaha lagama maarmaanka u ah muwaadinka hadda ku nool Soomaaliya waxaa kamid ah helista warqadda sugnaanta iyo dhalashada, taas oo ay bixiso waaxda dad dhigidda ee dowladda hoose.

Helitaanka warqaddaasi ayaa mararka qaar lagama maarmaan u ah si aad u hesho adeegyo badan oo ay dowladda bixiso sida Passport iyo adeegyo kale oo ay bixiyaan hay’adaha gaarka ah, ama shirkadaha.

Halkan oo ah xarunta dad dhigista dowladda hoose ee Xamar waxaa jooga subaxnimadan dad tiro ahaan aad u badan, qaarkood waxay inoo sheegeen in dhowr Todobaad ay halkaan kusoo laalaabanayeeen, qaar kale ayaa inoo sheegay iney soo laabanayeen ku dhowaad Hal Todobaad, waxaana intaasi ka baxsan in qaarkood ay halkaan u yimaadeen si ay u bedashaan dhalasho iyo sugnaan oo ay horey u sameysteen, kadib markii ay la tageen xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha loo sheegay ineysan shaqeyneyn.

“Meeshaan waxaan imaaday maalintii Talaadada ahayd (1 November 2017), muhiimadda aan u imaadayna waxay tahay, 1-dii November ayaa waxaan sameystay warqaddaan dhalashada, markii aan sameystay ayaa maalintii Talaadada waxaan tagay hay’adda socdaalka, waxaa la i dhahay warqaddaan wey dhacday, dhalasho dhacdayna weli ma arkin, howlo jiro awgeed iyo mashquulo badan awgood aan u tagi waayo hay’adda socdaalka iyo dano adduunyo iska key haystay, markii aan u geeyay hay’adda socdaalka waxay i dhaheen tag gobolka Banaadir oo warqad kale soo qaado, mana aysan ii sheegin in System-ka la bedalay, Talaadadii halkaan ayaan imid iyadoo saf dheer la galayo, maanta ayaan soo noqday, hadana waxay gobolka i dhaheen warqaddan ma shaqeyneyso, oo lacag kale bixi ayaa la i dhahay” sidaasi waxaa Goobjoog u sheegtay Najma C/raxmaan oo kamid ahayd dadkii ku dhibanaa halkaasi.

Dadkan qaarkood waxay ka yimaadeen gobollada u dhow magaalada Muqdisho, Xasan Nuur oo muddo Todobaad ah maalin walbo ka imaanayey degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa Goobjoog u sharaxay dhibaatada uu ku qabo xaruntan iyo sida loola dhaqmay.

“Waxaan imid Sabtidii lasoo dhaafay, maantana waxaan joognaa Khamiis welina warqadihii  ma helin, meesha waxa jira ma naqaanno, waxaa la iga qaaday 15 doolar, hadana waxay na dhaheen Sabtida soo laabta, hadana Sideed maalin ayaan joognaa, meesha qorax ayaa nagu dishay, raashiin ayaa meesha nooga baxay” ayuu yiri Xasan Nuur.

Dadkaan qaarkood iyaga oo Muqdisho un jooga ayeey muddo Todobaad ah ku noq-noqonayaan xarunta dad dhigista ee dowladda Hoose, waxaana ay sheegeen inaanay jirin wax loo qabtay.

Cabdi Yare Cali ayaa Goobjoog News u sheegay in wax walbo oo loo direy ay keeneen, hadana aanay garaneen waxa lagu haysto.

“Waxaan ka cabanayaa anigu waxaan soo laabanayey wax ku dhow Isbuuc, qoraxdaan aad u jeedaan ayaa feel nalagu geliyey, wax naloo qabtay lama arko, sida loo taagnaa ayaa la leeyahay hadhow soo laabo, beri hala yimaado, markaan nimaanno berina meesheydii bay taagan tahay” ayuu yiri Cabdi Yare.

Goobjoog ayaa xafiiskiisa kula kulantay agaasimaha waaxda dad dhigista ee gobolka Banaadir ayaa ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo cabashada halkaan ka taagan.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Goobjoog News