U bood dhigaalka

Muuqaal: Shacabka Oo Ka Cabanaya Burburka Wadada Isku Xirta Isgoysyada Dabka Iyo Baakaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Roobabkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka da’ay ayaa gabi ahaanba waxay burburiyeen wadadii isku xireysay isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Shacabka iyo darawallada gaadiidka ee isticmaali jirey wadadan ayaa sheegay in shaqooyinkooda ay xayiraad badan ku timid, iyaga oo dowladda ka dalbaday in degdeg wax uga qabato arrintaasi.

Dadka ku ganacsada hareeraha wadadaasi ayaa u sheegay Gooboog News, iney bixiyaan canshuur, ayna nasiib darro tahay in canshuurtoodii aan waxbo loogu qaban.

Si lamid ah sidaasi waxay darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ay sheegeen in maalin walbo laga qaado lacag 2 doolar oo canshuur ah, sidoo kale Saddexdii bilna laga qaado lacag dhan 47 doolar, welina aanay muuqan wax loogu qabto.

Jidkan isku xira Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad u muhiimsan, wuxuuna ka muhiimsan yahay waddooyin badan oo dowladdu dhistay.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:


Goobjoog News