U bood dhigaalka

Muuqaal: Wabiga Shabeelle Oo Guray

Sheeko:Dalka

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog ayaa maanta gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, si ay ugu kuurgalaan Wabiga Shabelle oo guray.

Sida muuqaalka aad ku arkeysaan waxaa gabi ahaanba guray wabigii, gaar ahaan dhanka degmada Afgooye, waxaana sidoo kale jirta deegaanno sidan oo kale uu Wabiga uga guray.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Afgooye Cabdullahi Xasan Cabdi(Toogane) ayaa sheegay in saameynta inta ugu badan uu ku yeeshay beeraladeyda iyo dadka danyarta ah ee halkaasi ka shaqeysan jiray

“Waxaan leeyahay horumar ayaan gaarnay, horumar ma gaarin ee wax ayaad bilowdeen, waxaan leeyahay dowladda dhexe iyo dowladda koonfur galbeed mas’uuliyadeeda waa in ay yimaadaan webiga oo ay wax ka qabtaan, oo webiga la qashin-bixiyo, garaarada soo dumay, qalab la keeno oo qashinka laga bixiyo, hadda waqti xaadir waawaqtigii laga faa’ideysan lahaa, xilligan oo kale oo webiga qalalo waa xilligii dowladda wanaagsan ay keeni jirtay qababka looga bixiyo carada iyo geedaha

Guddoomiye ku-xigeenka samafalka degmada Afgooye Sharif Qalaafe ayaa sheegay in hey’adaha gargaarka looga baahan yahay caawinta beeladeyda oo aan heysan ceel biyood ay ku badbaadiyaan beerakooda.

“Waxaa filayaa 3 usbuuc ka hor sawirro aan ka qaadnay, webiga biyo ayaa ka buuxay, maantana waa aragtaan, waana arrin soo noq-noqota, mar haddii ay sidaasi mar walbo dhacdana in wax laga qabto ayaa muhiim ah”

Dadka shacabka ah ayaa kuu sheegaya in hadda ay lasoo deristay biyo la’aan, maadaama biyaha Wabiga oo ay ku tiirsanaayeen uu guray.

Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada