U bood dhigaalka

MUUQAAL: Xildhibaan Sheegay In Amni Darrida Muqdisho Qeyb Ka Tahay Ciidankii NISA Ee La Kala Direy

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladda aanay marnaba lahayn qorshe amni oo cad, isaga oo tusaalooyin badan usoo qaatay.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in amni darrada qeyb ka tahay ciidankii NISA ee la kala direy iyo sidoo kale qorshe la’aantii loo dhisey ciidanka xasilinta ee iyaguna la kala direy.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka:

Goobjoog News