U bood dhigaalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Su’aallo Weydiiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda (Muuqaal)

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta oo Axad ah waxa uu hortagay xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayey, guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee xildhibaannada golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Ajendaha kulanka  Golaha Shacabka ee maanta ayaa ahaa Su’aal oraaheed ku saabsan ku dhaqanka Sharciga LR : 112 Shaqada Arrimaha Dibedda iyadoo xildhibaannadu ay su’aallo weydiiyeen wasiir Garaad.

Waxyaabaha wasiir Yuusuf la weydiiyey, islamarkaana uu ka jawaabay waxaa kamid ah Mudada xilhaynta Diplomaasiyiin iyo qaabka safaaradaha ay u shaqeeyaan, hir gelinta sharciga siyaasaddaa arimaha dibedda, dhibaatada dadka  Soomaaliyeed ay ku qabaan helida dal ku galka dalalka ay ka mid tahay India oo badanaa dadka Soomaaliyeed ay arimo caafimaad u aadaan, dhibaatadda dadka Soomaaliyeed loogu geysto dalalka qaarkood, hab dhaqanka diplomaasiyiinta iyo kuwo kale.

Halkaan hoose ka daawo

Goobjoog News