U bood dhigaalka

Muuqaal-Xulka Qaranka Eritrea Oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Xiriirka Kubbadda cagta dalka Eritrea ayaa diyaar u ah in maalmaha soo aadan ay soo gaaraan caasimada Muqdisho,iyagoo kulamo saaxiibtinimo la ciyaaridoonaan dhigooda Soomaaliya.

Wafuuda hogaaminaysa xulka qaranka dalka Eretria ay Muqdisho u imaanaya in ay la dheelaan xulka 20-jirada Soomaaliya waana markii ugu horeesay ay xulkeena ku ciyaaraan garoomada gudaha tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe.

Si kastaba xulka Eretria ayaa noqona kii ugu horeeyay oo caasimada u yimaada ciyaaro saaxiibtinimo waxayna arinta go’gol xaar u tahay in wadanka ay yimaadaan xulal kale oo ka socda dalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Halkaan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Imaatinka Xulka Eritrea

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/1469196209880868/