U bood dhigaalka

Muuse Biixi “Arrinta Sanaag Nabad Bay Ku Dhammaan Doontaa”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dagaallada ka jira gobolka Sanaag ay si nabad ah ku dhammaan doonaan waqtiga dhow.

Wuxuu sheegay in xallinta arrintan ay meel dhow mareyso, islamarkaana hadda ay wax walbo si wadajir ah u wadaan waxgaradka, maamulka Sanaag iyo sidoo kale culimada.

Madaxweyne Biixi, ma aanu sheegin waqtiga rasmiga ah ee colaaddan lagu soo dhammeynayo, balse wuxuu ku cel-celiyey in wax walbo dhow yihiin.

“Shaqaaqadan ka taagan Sanaag wey dhammaan doontaa, nabad bay ku dhammaaneysaa, wax walbana waqti ayeey leeyihiin…wax weyn oo halkaa ka jira ma jiro, waa lagu dhan yahay, waana laga mideysan yahay in arrintaasi ay nabad ku dhammaato” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dagaallo u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo Jabhadda Korneel Caarre ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maanta oo Axad ah, waxaa deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag ka jira xiisad u dhaxeysa ciidanka Somaliland iyo kuwa Korneel Caarre, welina ma muuqato xal lagu joojinayo dagaalladan.

Goobjoog News