U bood dhigaalka

Muuse Biixi “Dad Somaliland Ka Yimid Lama Hadli Doonno” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay wax shaqo ah ku lahayn guddigii uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Farmaajo ee wadahadallada Somaliland iyo dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in guddigan ay ku jiraan xubno kasoo jeeda Somaliland, islamarkaana iyagu aysan la fariisan doonin cid Somaliland kasoo jeedda, balse ka socota dowladda federaalka.

Sidoo kale, Muuse ayaa tilmaamay in guddigan Labada qodob ee uu sheegay madaxweyne Farmaajo iney ka shaqeyn doonaan aanay dhankooda waxbo ka quseyn, isaga oo quus ka muujiyey in wadahadallo furmaan inta madaxweyne Farmaajo uu joogo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News