U bood dhigaalka

Muuse Biixi: “Dowladan Farmaajo Waxa Ay Ahayd Tii Ugu Cadaawadda Badnayd Intii Dowlado Na Soo Martay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Soomaalilnad Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayay hadal heyn ku aadanayd in madaxweyne Farmaajo uu ka degi doono magaalada Hargeysa ayaa arrinkaasi gaashaanka u daruuray waxa uuna tilmaamay in dowladda haatan jirta ay tahay tii ugu cadaawadda badanayd ee soo marta maamulkiisa.

“Dowladan uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo waxa ay ahayd tii ugu cadaawadda badnayd intii dowlado na soo martay, waxa ay ahayd dowladan tii dagaalka ugu kulul la gashay Somaliland, waxa ay ishor istaag uga sameysay Soomaaliland in caalamka ay cidba xiriir la sameyso, waxaad ogtihiin dagaalka ay ka gashay mashruuca balaarinta Berbara ee bareerka ahaa” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliland.

Sidoo kale Muuse Biixi ayaa soo dhowaweyn ka muujiyay raali galintii Farmaajo uu 13-kii bishan u jeediyay Soomaaliland, waxa uuna Muuse Biixi tilamaamay in arrinkaasi uu yahay talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday balse waxa uu su’aal ka keenay qaabka uu Farmaajo ku imaankaro Hargeysa.

“Madaxweynaha Soomaaliya tallaabo wanaagsan buu qaaday markuu yiri raali galin baan bixiyay, laakiin wuxuu ku diray markuu yiri waan imaanayaa Hargeysa oo side buu ku imaanayaa oo la isweydiinayaa” ayuu hadalkiisa raaciyay Muuse Biixi.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan imaan Karin gobolada Waqooyi waxa uuna ku sababeeyay in dowlad danbiyo badan ka gashay Soomaaliland in qof madax ka ah uusan imaan Karin halkaasi.

Muuse Biixi oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Xeerarka caalamiga ah iyo caqliga saliimka ah midna ma ogola ninka dowladiisii iyo dalka uu ka madaxda yahay dhibkaas iyo waxaas oo danbiyo ah galeen ayaa waxa uu dadkaas u geystay waliba oranaaya aniga oo madaxweynihii ah baa goboladii soo siyaaranayaa, macnaha uu soo wado soo ma ahan waan idin imaanaya oo taa miyeynu aqbalaynaa Maya Maya suurta gal ma ahan mana yeelayno”

Hadalka Biixi ayaa yimid ka dib markii dhawaan uu soo ifbaxay war sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu tagi doono magaalada Hargeysa isaga oo uu wehlinayo ra’isulwasaaraha Itoobiya Aby Axmed.

Goobjoog News