U bood dhigaalka

Muuse Biixi “Garan Maayo Waxa Loogu Dagaallamayo Wax Hadal Lagu Dhameyn Karo”

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biix Cabdi ayaa sheegay in xilligaan Somaliland diyaar u ahayn dagaallo ka dhaca Sool, islamarkaana dhankooda ay doonayaan nabad.

Ugu horreyn, Biixi ayaa ugu hambalyeeyay shacabka gobollada Waqooyi (Somaliland) munaasabadda 26-ka June oo ah 58-sano guuradii kasoo wareegtay markii ay gobolladaasi ka xoroobeen gumeystaha Ingiriiska.

“Waxaan halkaan hambalyo uga dirayaa umadda reer Somaliland meel walbo oo ay joogaan, 58-sano ayaa kasoo wareegtay maalintii aan xornimada ka qaadannay dowladda Ingiriiska, halgan dheer oo 80 sano ku dhow umadda Somaliland ugu jirtay xorriyadeedu iney hesho ayaan maalintaasi helnay, 26 June waa maalintii ay Somaliland xorowday iyadaana gaar u leh” ayuu yiri Biixi.

Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa la hadlay Puntland, wuxuuna sheegay in dagaal aanu faa’ido lahayn, Somaliland-na ay diyaar u tahay nabad iyo wadahadal.

“Waxaan u sheegayaa dhammaan dadka Afsoomaaliga ku hadlay, Somaliland waxay dooneysaa Nabad, Soomaaliya waxaan leenahay waxan leenahay 27-sano oo silac, rafaad, dhimasho iyo waxbarasho la’aan ah baan ku jirnaa uma sii baahnin colaado kale.. uma baahnin dagaal, wax hadal lagu dhameyn karo anigu garan maayo waxa loogu dagaallamayo”

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo dhowaan ka hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay gobolka Sool dagaal ugu qabsan lahaayeen.

Goobjoog News