U bood dhigaalka

Muuse Biixi iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo Ka Hadlay Dib u Bilaabidda Wada Hadalka Muqdisho iyo Hargeisa

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland gaaray wafdi uu hoggaaminaayo safiirka Soomaaliya u qaabilsan dowladda Ingiriiska Amb. Ben Fender, waxaana garoonka diyaarada Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey madax ka trirsan Soomaaliland.

Safiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay u qaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, waxaana ay kulan kula qaateen xarunta madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Safiirka ayaa madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay arrimo ku aaday doorashooyinka dhowaan ka qabsoomaya Soomaaliland, wafdiga ayaana boggaadiyey horumarka Soomaalinland ay uga gaareen dhanka doorashooyinka iyo sida ay ugu sii tilaabsanayan dimoqoraadiyadda ee dhanka horumarka iyo doorashooyinka.

Dhanka kale safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender ayaa madaxweyne Biixi kala hadlay sidii Soomaaliland ay markale ugu soo laaban laheyd miiska wada haladii kala dhaxeeyay Soomaaliya oo hakad ku jiray muddooyikii danbe.

Ugu danbey uqaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, iyo madaxweyne Muuse biixi ayaa kala sixiisday wajigii 2aad kaalamada dowladda Ingiriiska kaga qeyb qaadaneyso sandanduuqa horumarinta Soomaaliland.

Goobjoog News