U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Ka Faalo Qaaday Nolosha Ibraahim Muuse Cabdi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu qaabilay isla markaana uu kafaalo qaaday noloshiisa Ibraahim Muuse Cabdi oo ah wiil dhallinyaro ah oo duufaannadii ku dhuftay degmada Lughaya ee gobolka Awdal ay ku geeriyoodeen 8 ruux oo kamid ah qoyskiisa.

Qoyska Muuse Cabdi ayaa ka koobnaa siddeed oo kala ah Hooyadiis,Aabihiis iyo 6 caruur ah oo ay walaalo ahaayeen.

Madaxweynaha ayaa Ibraahim u ballan qaaday in uu Hargeysa ku noolaado isla markaana uu halkaas waxbarashadiisa uu ku dhamaysto.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada