U bood dhigaalka

Muuse Biixi oo Ka Qeybgalay Carwada Wershahada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo ballaadhan oo lagu soo bandhigayey wax soo saarka wershahada waddaniga ah oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibadda lagu soo bandhigayo wax soo saarka wershadaha dalka, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka dawladda Deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim oo ay xubno ka yihiin qaar kamid ah wasiirrada maamulka Soomaalida Itoobiya, xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland, hoggaanka Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, saraakiisha ugu sarraysa ururka Wershedlayda, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha lagaga hadlay muhiimadda ay horumarka qaranka u leedahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan yagleelidda wershedo wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo si loo kordhiyo wax soo saarka gudaha iyo shaqo abuurka.

Ugu horrayn guddoomiyaha ururka wershedleyda Somaliland, Mudane Maxamed Sheekh oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay ujeeddada carwadan loo qabtay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay wershedley ahaan uga gol leeyihiin in bulshada lagu baraarujiyo isticmaalka wax soo saarka dalka, laguna soo bandhigo tayada waxyaabaha ay soo saaraan wershedaha dalka ka jiraa.

Xoghayaha Rugta ganacsiga iyo wershedlayda Somaliland, Mudane Ibraahim Ismaaciil Cilmi, ayaa isaguna dhankiisa tilmaamay in bulshada looga baahan yahay isticmaalka wax soo saarka wershadaha dalka, taasina fure u tahay inay ganacsatadu ku dhiirradaan inay hantidooda dalka gudihiisa ku maalgeliyaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo Ganacsiga iyo wershedaha, Dr. Sacad Cali Shire iyo Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo madasha ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen taageerada iyo garabsiinta wershedaha dalka gudihiisa ka jira, islamarkaana ay u sameeyeen cashuur-dhaaf aad u badan, taasina ay marag ka tahay sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay dhiirrigeliso wax soo saarka dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka ismaamulka Oromada Itoobiya, Marwo Chaltu Sani Ibraahim iyo wasiirka Ganacsiga iyo wershedaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mudane Bashiir Saafi, ayaa Somaliland ku ammaanay horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ka tisqaaday, waxana ay wershedleyda kula dardaarmeen inay wada-shaqayn dhaw la yeeshaan xukuumadda si hore ugu sii mariyaan wax soo saarkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si mug leh u bogaadiyey dedaallada kala duwan ee wershedlayda dalku ku tallaabsadeen, islamarkaana ay xukuumad ahaan taageero buuxda la garab taagan tahay ganacsatada dalka ee ku hawllan wax soo saarka dalka gudihiisa.

Madaxweynuhu waxa uu daaha ka fayday taageerada laxaadka leh ee xukuumaddu la garab taagan tahay dhiirrigelinta wax soo saarka dalka iyo wershedaha dalka gudihiisa ka jira, isaga oo xusay lacago aad u tiro badan oo ay xukuumaddu cashuur-dhaaf ugu samaysay wershedlayda dalka, “Dawladdu iyada oo aan dhaqaale badan haysanin, haddana sannadkan $14.2 milyan oo dollar oo cashuur-dhaaf ah ayaanu wershedaha siinnay, waxana aannu sugaynaa oo ku rejo weynahay inaanu wixii kale ee aanu kari karno ugu darno, annaga oo rejaynaynaa inay noqdaan kuwa kora oo dalka dhaqaalihiisa iyo shaqaalihiisu ku xidhnaan doono,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray carwada wershadaha, waxana uu mid mid u galay wax soo saar kala duwan oo ay carwada kusoo bandhigeen wershedaha dalka ka dhisani