U bood dhigaalka

Muuse Biixi Oo Magacaabay Hanti Dhowraha Guud Ee Somaliland Iyo Mas’uuliyiin Kale

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay mas’uuliyiin cusub, waxaama mas’uuliyiinta la magacaabay kamid ah hanti dhowraha guud ee Somaliland.

Halkaan hoose ka akhriso Wareegtada:

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222­15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya­aragnimadooda

Shaqo;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa

Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La­tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

  1. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
  2. Axmed Yuusuf Dirir Maxamed Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka
  3. Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka
  4. Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
  5. Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka
  6. Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.